Congreska Maraykanka oo ansixiyay xidhiidhka Somaliland

Washington-(Berberanews)-Aqalka Cingresska ee Maraykanka, ayaa maanta si buuxda u ansixiyay
Sharciga xidhiidh adag oo u dhaxeeya Maraykanka iyo Somaliland.

Sharcigan Iskaashi ayuu Koongreeska Maraykanka ansixiyey maanta oo ah Khamiis,June 9, 2022, waxaannu u gudbay Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo saxeexa u danbeeya ku dhufan doona.

“Maaddaama Geeska Afrika ay wajahayaan caqabado badan oo qalafsan, Maraykanku waa in uu sahamiyaa dhammaan xidhiidhada faa’iidada  u leh labada dhinacba lala yeesho saaxiibo deggan oo dimoqraadi ah, oo ay ku jirto #Somaliland. Aad baan ugu faraxsanahay in aan arko sharcigan maanta.” Sidaa waxa yidhi

Senator James Risch oo ka mid ah waaxda Arrimaha Dibedda Senateka ee Maraykanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland, ayaa  ku hambalyeysay Baarlamaanka Maraykanka ansaxinta Xeerka Ishaashiga Somaliland iyo USA