19 qof oo lagu dilay Gobolka Benishangul-Gumuz, Ethiopia

Ethiopia-(Berberanews)-Maamulka galbeedka Itoobiya ayaa wacad ku maray in ay xaqiijin doonaan kala dambeynta ka dib iska hor imaadyo rabshado watay oo dhexmaray ciidamada ammaanka iyo rag hubeysan, kaasoo ay ku dhinteen dhowr qof.

Dadka la dilay waxaa ka mid ah maamulkii degmada.

Iyadoo dagaaladii sokeeye ee ka dhacay woqooyiga dalkaasi si weyn isha loogu hayay, haddana Itoobiya waxaa ku soo badanaya rabshado lagu hoobtay oo ka dhacay qaybo kala duwan oo dalka ah.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Benishangul-Gumuz, Haaruun Cumer, ayaa sheegay in dabley hubaysan ay rasaas ku fureen ciidankooda, xilli ay ku sugnaayeen meel fog oo ka tirsan Degmada Belo.

Dagaalkii xigay ayuu sheegay in ugu yaraan 19 qof ay ku dhinteen.

Gobolka ayaa waxaa ku soo badanayay iska hor imaadyada hubeysan sanadadii ugu dambeeyay, waxaana tobanaan kun oo qof ay isaga carareen guryahooda.

Iyadoo haatan ay xabad joojin ka socoto waqooyiga dalkaasi oo ay ciidamadu kula dagaalameen ciidamada Tigreega ayaa waxa ay dawladu ka bilowday deegaano kale oo dhowr ah oo ay ku doonayso inay ka xakamayso wax ay ugu yeedhay sharci daro.

Si kastaba ha ahaatee, dhacdooyinka rabshadaha wata ayaa sii socday, taasoo keentay su’aalo ku saabsan guusha tallaabooyinkan.

Berberanews.com