Dominican: Wasiir toogasho lagu dilay

Dominican-(Berberanews)-Wasiirka deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Dominican ayaa lagu dhex toogtay xafiiskiisa, waxaana toogtay nin ay saaxiibo dhow ahaayeen, sida ay saraakiishu sheegeen.

Orlando Jorge Mera, oo 55 jir ah, ayaa qabanayay shir xilliga la weeraray. Ugu yaraan lix xabbadood ayaa la maqlay. Afhayeen u hadlay madaxtooyada ayaa ninka weerarka geystay ku sheegay Miguel Cruz, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa saaxiibkii carruurnimada wasiirka.

Ninka dilka geystay oo la xidhay, ayaan la caddayn Sababta toogashada.

Bayaan ay soo saareen qoyska Mr Jorge Mera ayay ku sheegeen in dhowr xabadood uu ku dhuftay nin ay saaxiibo ahaayeen tan iyo yaraantiisii.

Mr Jorge Mera ayaa kasoo shaqeeyay maamulka madaxweynaha talada haya ee Luis Abinader tan iyo markii ay talada la wareegeen bishii Luulyo 2020.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu madaxweyne Abiinader ugu tacsiyeeyay qoyska Mr Jorge Mera wuxuuna sheegay in uu aad uga xun yahay geerida saaxiibkii wanaagsanaa.