Wasiir Ku Xigeen iska Casilay Xukuumadda Somaliland

Jargeysa-(Berberanews)-Wasiir-ku xigeenkii Maamulka Dawladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdinaasir Caydiid, ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilkii uu ka hayey xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Mr. Caydiid oo warbaahinta la hadlay galabta, ayaa iscasilaaddiisa ku sheegay mid la xidhiidha arrimo shaqsi ah.
“Laga bilaabo maanta waxaan iska casilay xilkii Wasiir-ku-xigeennimo ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland. Xilka wasaaradda waxaan hayey muddo saddex sannadood iyo badh ah, cid kasta oo aannu wada shaqeynayna waan u mahad celinayaa, Madaxweynaha Somaliland ee xilka ii igmadayna waan uga mahadcelinayaa, sababo aniga ii gaar ah ayaanan isaga casilay maanta xilkii aan hayey,” ayuu yidhi Cabdinaasir Caydiid oo aan tafaasiil intaa ka badan ka bixin iscasilaaddiisa.