Masuul iska casilay xilkii iyo xubinnimadii xisbiga WADDANI

“Xirsoow waxaad ii soo magacowday waa naanays, Naanaysna ha ila daba socon, waanan kuu soo Celiyey Naanaystii.” Sidaa waxa yidhi Xoghaye ku xigeenka Dastuurka iyo Caddaaladda Mohamed Aadan Suldaan oo iska casilay xilkaas, isla markaana ka baxay Xisbiga Waddani sida uu sheegay.

Dhawaan uun bay ahayd markii loo magacaabay xilka uu quudhsaday, isagoo hore u ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Gobolka Awdal.