Madax-dhaqameedka Somaliland oo isu xilqaamay dhexdhexaadinta xukuumadda iyo mucaaradka 

Hargeysa – (Berberanews)-Waxa saacidihii ugu dambeeyey ka socda magaalada Hargeysa abaabul culus oo ay wadaan salaadiin isu xilqaamay dhexdhexaadinta xukuumadda Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka oo uu u dhexeeyo khilaaf xaraaraddiisu meel sare marayso waqtigan.
Salaadiin iyo madax-dhaqameed kale oo ka soo kala jeeda gobollada Awdal, Hawd iyo Togdheer (Bariga Burco), ayaa dhexda u xidhay inay ka odayeyaan xallinta muranka cakiran ee ka taagan arrimaha doorashooyinka Somaliland.

Xogo laga helay dhaqdhaqaaqyada dhexdhexaadinta, ayaa tibaaxay in xisbiyada mucaaridku ku gacan saydheen qaar ka mid ah qodobadda ergada salaadiinta ah ula tageen