Golaha Wakiillada oo ansixiyey xubno hore codka kalsoonida uga waayey

Hargeysa -(Berbetanews)-Fadhigii Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta, ayaa meel mariyey ansixinta saddex xubnood oo ka mid ah Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansaxinta Axsaabta Qaranka.
Fadhiga oo uu shirguddoominayey Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa golaha markale la horkeenay xubnahan oo hore codka kalsoonida uga waayey Golaha, kadib markii Madaxweynaha Somaliland dib ugu soo celiyey.
Golaha oo ay fadhiyeen 57 mudane, ayaa cod u qaaday saddexdan xubnood oo buuxin doona Guddida cusub ee Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda, waxaanay codbixintu u dhacday sidan:
Garyaqaan Siciid Maxamed Cilmi Siraadle
OGGOL:50 xildhibaan
DIIDMO:  1 xildhibaan
AAMUS : 5 Xildhibaan
Guddoomiyuhuna muu codayn.
Maxamuud Axmed Obsiiye
OGGOL: 48 xildhibaan
DIIDMO:  0 xildhibaan
AAMUS : 8 Xildhibaan
Guddoomiyuhuna muu codayn.
Mukhtaar Cabdi Jaamac
OGGOL:52 xildhibaan
DIIDMO:  0 xildhibaan
AAMUS : 4 Xildhibaan
Guddoomiyuhuna muu codayn.