Canada: Xuska sanad ka hor xasuuqqii 6 qof oo Muslim ah lagu laayay

Canada-(Berberanews)-Hogaamiyayaasha bulshada Muslimiinta ee dalka Canada ayaa dib u cusboonaysiinaya baaqooda ah in wax laga qabto Islaam nacaybka.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xuska sanad guuradii ka soo wareegatay weerarkii dhimashada badnaa ee lagu qaaday qoys Muslim ah,kaas oo maamulku sheegeen in uu ahaa mid nacayb ka dhashay.

In ka badan 150 ergo ayaa xubnaha baarlamaanka kula kulmaya caasimadda Ottawa Isniintii si ay u dalbadaan tallaabo la taaban karo oo wax looga qabanayo Islaam nacaybka iyo dembiyada nacaybka, ayay tidhi Fatema Abdalla, oo ah afhayeenka Golaha Qaranka ee Muslimiinta Kanada (NCCM).

Socod ka dhan ah Islaam nacaybka ayaa sidoo kale la qaban doonaa fiidnimada Isniinta, NCCM ayaa bayaan ku sheegtay.

“Bulshada Muslimiinta ah weli way la murugoonayaan dhacdadan,” ayay Fatima Abdalla u sheegay Al Jazeera wareysi ay taleefoonka ku siisay weerarkii dhimashada badnaa ee ka dhacay London, Ontario, 6-dii Juun ee sannadkii hore.

“Weerarkan waxashnimada ah waxa uu waligii wax ka beddelay xidhiidhka ay bulshada Muslimiinta ahi la leedahay Canada.

Muslimiintu waxay ka baqayaan inay maraan waddada; waxay ka baqayaan inay isugu yimaadaan masaajidda.”

Salman Afzaal, oo 46 jir ah, xaaskiisa Madiha Salman oo 44 jir ah, gabadhooda Yumna oo 15 jir ah iyo ayeeydeed Talat Afzaal oo 74 jir ah ayaa la dilay ka dib markii darawal uu ku jiidhay gaadhi kuwa xamuulka qaada ah. Iyagoo socod ku jira.

Taliyaha booliiska ayaa xilligaas sheegay in dadka la laayay ay “la beegsadeen diintooda Islaamka awgeed”.