Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka Koonfur Afrika oo majeertay horumarka Dekedda Berbera

Johannesburg  – (Berberanews)-John Steenhuisen oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka waddanka Koonfur Afrika ee Democratic Alliance, ayaa ugu baaqay Madaxweynaha dalkooda Cyril Ramaphosa in uu ku daydo horumarka ay ku tallaabsatay Dekedda Berbera ee taal Jamhuuriyadda Somaliland.
Talada John Steenhuisen uu u soo jeediyey Madaxweyne Cyril iyo xukuumadda Koonfur Afrika, ayaa timi kadib markii warbixin ay sii daayeen World Bank Index April 25, 2022 ay ku sheegeen in Dekedda Berbera ay tahay deked caalami ah, ayna adduunka ka gashay darajada ah 184, iyada oo ka horumartay dekedaha Koonfur Afrika oo iyaguna galay darajada 364.

Qiimaynta World Bank Index, ayaa la yaab ku noqotay siyaasiyiin badan, waxana qiimayntaasi keentay in madaxa Democratic Alliance John Steenhuisen uu booqasho ku tago Berbera dabayaaqadii bishii May.

John Steenhuisen, madaxa Democratic Alliance, waxa uu sheegay in xawliga ay ku socoto horumarka dekedda Berbera ay tahay mid looga baahan yahay dawladda Koonfur Afrika in ay kaga dayato, waxan uu xusay in mustaqbalka dhow Dekedda Berbera u noqon doonto il dhaqaale waddamada dhaca bariga ilaa dhinaca koonfureed ee qaaradda Afrika.

John Steenhuisen waxa uu warbixintan qoray maalin kadib, markii uu Berbera ka dhoofay 2 June 2022.

Hoos ka akhri maqaalka siyaasiga reer Koonfur Afrika oo ku qoran luqadda Ingiriisida….