Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo dhammaantood is wada casilay

Hargeysa -(Berberanews)-Saddexdii xubnood ee ugu dambeeyey Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa iscasilaaddooda u gudbiyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi maanta, sida ay xaqiijiyeen ilo xogogaal ah.
Xubnaha maanta iscasilay waxay kala yihiin; Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil Dixood, Kaltuun Sheekh Xasan iyo Cabdixakiim Siciid Dalmar, taas oo ka dhigan in dhammaan ay meesha ka baxeen Guddida Doorashada Qaranka oo ka kooban 7 xubnood.
Waxa hore isu casilay 4 xubnood oo ka mid ahaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo gebi ahaanba hadda meesha ka baxay.