“Ciddii u badheedhaysa inay xabad soo rido, hasoo rido” Cirro oo dhoolatus sameeyay

Cirro: “Bannaanbaxu wuu qabsoomayaa anigaana  hoggaamindoona, ciddii  u badheedhaysa in ay xabbado  shacabka aan hubaysnayn ku riddo
ha soo riddo. Xukuumadda waxaan u sheegayaa waddanka qori laguma qabsan, xoogna laguma haysan karo, kursiga ayaa lagu tartamayaa,  doorasho ayaa la qabanayaa, waxaanan leeyahay sanduuqa dhig; haddii lagaa helana dhiib haddii aad heshana joog, muddo kordhina ma jirto.
Maanta Muuse Biixi waxa uu Komishankii Doorashada ku qasbay in ay xabbad-xabbad u tanaasulaan. Taas macnaheedu waxa weeye inay caddahay in aannu doorasho qabanayn, laakiin waxaannu leenahay doorasho la’aan halkan ku joogi maysid.”