Koonfur-Afrika: Madaxweyne Cyril Ramaphosa oo loo haysto laaluuush iyo musuq

koonfur-Afrika-(Berberanees)-Madaxii hore ee sirdoonka Koonfur Afrika ayaa ku eedeeyay madaxweyne Cyril Ramaphosa inuu afduubay oo laaluush qaatay kiis uu booliska ka diiwaan galiyay.

Arthur Fraser waxa uu sheegay in kiiska la xidhiidha isku dayga la sheegay in lagu xadayay $4m (£3.2m) sanadka 2020 mid ka mid ah guryaha madaxweynaha iyo dadaalka la sheegay in lagu qariyay waxa dhacay.

Mr Ramaphosa ayaa yidhi “ma jirto wax sal ah oo lagu sheeganayo fal dambiyeed”.

Mr Fraser ayaa dadka qaar u arkaan in uu xulafo la ahaa madaxweynihii hore ee dalkaasi Jacob Zuma.

Dadka qaar ayaa rumeysan in eedeymahan ay la xidhiidhin karaan khilaaf ka dhex jira xisbiga talada haya ee African National Congress (ANC) ka hor tartanka hoggaanka ee bisha December.

Bilaysku waxa ay xaqiijiyeen in kiis iyaga laga diwaan galiyay iyo in “hababka sharciga waafaqsan ay raaci doonaan”, oo ay ku jiraan baadhitaan bilow ah.

Mr Fraser, oo soo maamulayay Hay’adda Nabad Suggida ee dalka (SSA) intii u dhaxeysay 2016 iyo 2018, ayaa sheegay inuu Booliska ku wareejiyay sawiro, faahfaahinta xisaabaadka bangiga iyo muuqaa.

Warbixin uu soo saaray, ayuu ku eedeeyay in dambiilayaal ay jabsadeen beer ku taal gobolka Limpopo bishii Febraayo 2020 si ay u xadaan in ka badan $4m. Ka dib waa la xidhay oo su’aalo lagu waydiiyay hantida, lacagna lagu siiyay si ay uga aamusaan waxa dhacay, sida qoraalka lagu sheegay.

Isagoo ka jawaabaya, xafiiska Mr Ramaphosa ayaa xaqiijiyay inay jirto dhac ka dhacay beertiisa oo ku taal Limpopo “kaas oo lagu xaday dhaqaalaha ka soo baxa iibinta ugaadha”.

Madaxweynaha oo wakhtigaas dalka ka maqnaa ayaa dhacdadan ku wargeliyay ciidanka ilaalada madaxtooyada ee Booliska, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiskiisa.

Waxa uu “diyaar u yahay in uu la shaqeeyo baadhitaan kasta oo sharci fulinta ah ee arrimahan”, ayay raacisay warbixintu.

Mr Ramaphosa waxa uu noqday madaxweyne bishii February 2018 ka dib markii Zuma uu xilka iska casilay ka dib markii loo soo jeediyay eedeymo musuqmaasuq oo badan, taas oo uu beeniyay. ANC ayaa weli u kala qaybsan taageerayaasha labada nin.

Waxaa lagu wadaa in la doorto dabayaaqada sanadkan qofka noqon doona musharaxa madaxweyne ee doorashada 2024-ka.

Madaxwaynuhu waxa uu ajandaha dowladdiisa ka dhigay ladagaalanka musuqmaasuqa.

Laakiin ka go’naantiisa ayaa su’aal la geliyay iyadoo ku takrifalka lacagaha dowladda, gaar ahaan lacagta loogu talagalay la dagaallanka Covid-19, ay sii socotay intii uu madaxweynaha ahaa.

Ka hor inta aanu noqon madaxweyne ku xigeenka 2014, Mr Ramaphosa wuxuu ahaa ganacsade caan ah oo saami ku leh macdanta, isgaadhsiinta, warbaahinta, cabitaannada iyo shirkadaha cuntada degdega ah.

Sannadkii 2014-kii, waxa uu u caddeeyay baarlamaanka in uu haysto $5m oo saami ah iyo sidoo kale 30 guri oo magaalada ah.

Waxaase la wada aaminsan yahay in hantidiisu intaas ka badan tahay.