Somaliland oo markii ugu horreysay ka hadashay ciidammo Puntland geysey Buuhoodle

Hargeysa -(Berberanews)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay ka hadashay ciidammo fara badan oo maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland geeyey magaalada Buuhoodle, iyada oo sheegtay in aanay diyaar u ahayn in lagu dhex dagaallamo magaaladaas oo shacab badan oo reer Somaliland ah ku nool yihiin.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed oo ka qaybgalay xalay barnaamij TV-ga Qaranka Somaliland ka baxa oo masuuliyiinta xukuumaddu ku soo bandhigaan waxyaabaha u qabsoomay, kadibna dadweynuhu su’aalo toos ah ku weydiiyaan, ayaa sheegay xukuumad ahaan in aanay doonayn dagaal ka dhaca gudaha magaalada Buuhoodle.
Wasiir Kaahin oo ka jawaabayey su’aal barnaamijkaas lagu weydiiyey oo saabsan aragtida xukuumadda uu ka tirsan yahay ee ku wajahan dhoollatuska ciidammada maamul-goboleedka Puntland ka wadaan Buuhoodle oo ka mid ah magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu yidhi; “Somaliland waxay ka taxaddaraysaa farsamooyinka masuuliyad-darrada ah ee siyaasad weyn oo macno lehna aan ku salaysnayn, in ay intay innaga dhex dhacdo dagaal sababto oo dadka shicibka ah iyo innaga ina saamayso. Waynu u leenahay awood buuxda, laakiin waxaynu diidaynaa dagaal meel cidlo ah ka bilaabma oo mandaqadda saameeya.”
Wasiirka Daakhilga waxa uu sheegay in reer Buuhoodle yihiin shacab la mid ah dadweynaha ku dhaqan gobollada kale ee Somaliland, isla markaana aanay xukuumad ahaan rabin in dagaal ka dhaco magaaladaas.
“Dadka Buuhoodle jooga, dadka Hargeysa jooga ayuu la mid yahay, dadka Gabiley jooga ayuu la mid yahay, dadka Laascaanood jooga ayuu la mid yahay. Waa dad reer Somaliland ah, markaa in dagaal halkaas ka dhaco oo dadka siyaasadda noocaas ah wataa ay sababaan waynu banbaaninaynaa,” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Kaahin.
Ciidammo beeleed cusub oo ka amar qaata maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa dhowaan tegay magaalada Buuhoodle, halkaas oo ay ku soo bandhigaan dhoollatusyo ciidan, iyadoo ay magaaladaas kulaalayaan cutubyo ka tirsan millateriga Jamhuuriyadda Somaliland oo aad u qalabaysan, isla markaana awood buuxda u leh inay fudud ula wareegaan gacan-ku-haynta Buuhoodle oo dhacda xuduudka ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya.