Somaliland oo abuurtay Xeer lagu maamuli doono Madax-dhaqameedka dalka

Hargaysa -(Berberanews)-Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka oo Garabsanaaya Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha iyo Arimaha Dastuurka ayaa shirkii Golaha Wasiirada ee maanta u qaybiyay Qabyo Qoraalka Xeerka Madax dhaqameedka lagu Maamulaayo
Fadhigii Golaha Wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta ayaa waxa la horkeenay Xeer nidaamka dhismaha Madax dhaqameedka Somaliland.

Ugu horreyn golaha waxa loo qaybiyey qabyo-qoraalka xeerka Ciidanka Dab-damiska Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu soo diyaariyey xafiiska Garyaqaanka guud ee Qaranku, xeerkan oo ah mid muhiimad gaara u leh Ciidanka Dab-damiska iyo qabyo-qoraalka xeer nidaamka dhismaha Madax-dhaqameedka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay soo diyaariyeen xafiiska Garyaqaanka Guud, Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka, iyagoo Garyaqaanada xeerarkan soo diyaariyey ay golaha u sharraxeen cutubyada ay labadan xeer ka kooban yihiin iyo meelaha uu ahmiyadda saarayo.

Hindisaha Xeerka Nidaamka Madax dhaqameedka Somaliland ee Xukuumadu soo Curisay ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee loo sameeyo madax dhaqameedka Somaliland,iyadoo shacabku tabayaan in la helo Xeer lagu maamulo bahda dhaqanka oo iyagu sannadahii u dambeeyay nidaamkooda shaqo la dhaliilayey, isla markaana si weyn ugu dhex milmay nidaamka siyaasadeed ee xisbiyada siyaasadda.
Waxa laga dhursugayaa qaabka ay Golaha Wakiilladu uga jawaabaan xeerkan marka xukuumaddu u gudbiso.