TPLF oo sheegtay inay askar badan ka dileen ciidammada Eritrea

Maqalle -(Berberanews)-TPLF ayaa sheegtay labadii maalmood ee u dambeeyey iney dagaal la galeen ciidammada dalka Eritrea ee deriska la ah Gobolka Tigray ee galbeedka waddanka Itoobiya.
Afhayeenka TPLF, Getachew Reda ayaa bartiisa Twitterka ku qoray maanta inay labada dhinac ay ku dagaallameen jiidda hore ee Shiraaro.
Wuxuu intaa ku daray dagaalka inay soo qaadeen ciidammada Eritrea, kana dileen tiro ka mid ah askarta Eritreanka.

Afhayeenka Dawladda Eritrea Mr Leggese Tulu oo BBC-da u warramay, ayaa xusay in aannu xaqiijin karin dagaalka TPLF sheegtay.
Waxa kale oo Leeges uu sheegay in aanay jirin sabab ay ciidammada Eritrea dagaal ugu qaadaan fallaagada TPLF.