Tigray: Cusbitaalka u weyn oo albaabada loo laabay+dad dhimasho qarka u saaran

Tigrai-(Berberanews)-Cisbitaalka ugu weyn ee ku yaala gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa shaqadiisa joogtada ah u joojiyay dawo la’aan iyo koronto la’aan, sida uu sheegay agaasimaha caafimaadka.

Dr Kibrom Gebreselassie ayaa sheegay in isbitaalka Ayder Referral Hospital uu gaadhay heer aanu bixin karin adeegyo, kadib 18 bilood oo dagaal uu ka socday gobolka waqooyi.

Waxa uu sheegay in dawo la’aan iyo iyo shidaal la’aan ay sababtay in la hakiyo.

“Hadda wax koronto ah oo Tigray ahi ma jirto, waxaana joojinnay soo saarista ogsajiinta,” ayuu raaciyay.

Dhakhaatiirta isbitaalka ayaa mushaar la’aan ku shaqaynayay in ka badan hal sano, mana awoodin inay masruufaan naftooda iyo qoysaskooda.

Tan iyo markii ciidamada Tigrayga ay la wareegeen gacan ku haynta gobolka bishii June ee la soo dhaafay, waxa ay ku jirtay go’doomin dhab ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, iyadoo dad badan oo u baahan daaweyn ay u dhinteen dawo la’aan.

Xirfadlayaasha caafimaadka ayaa BBC-da u sheegay bishii Abriil in isbitaalku uu gaadhaay heer uu maalin walba gaadho afar ilaa lix meyd ah – laga soo bilaabo hal iyo labo meyd labadii ilaa saddexdii maalmoodba.

Dadka halista ugu jira inay u dhintaan dawo la’aan iyo adeeg caafimaad oo sax ah ayaa waxaa ka mid ah xirfadlayaasha caafimaadka ee isbitaalka, sida ay sheegeen Bbc u sheegeen ilo ka tirsan Cisbitaalka.

Berberanews.com
Info@berberanews.com