Somaliland oo Midawga Yurub u Sheegtay In la qabanayo Doorashada Ururada

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed  ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ay hogaaminaysay Safiirka Midawga Yurub Ambassador  Tiina Intelmann, ayna wehelinayeen Safiirka Dalka Sweden u fadhiya magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ambassador Per Lindgärd iyo EU Political Adviser Maria GROENEVELD.

Kulankan Wasiirka waxaa ku wehelinayey Wasiir Kuxigeenka Amniga ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdilaahi Xuseen Maxamed, Agaasimaha Guud ee Amniga Ibraahim Cali Ismaaciil iyo Lataliyaha Wasiirka ee dhinaca Xidhiidhka Hay’adda Siciid Yusuf Cabdi Siciid.

Midowga yurub iyo wasiir Kaahin

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa si guud weftiga ugu sharaxay nabadgelyada buuxda ee ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kale Wasiir ayaa weftiga ugu waramay horuumarka ay ku socoto Somaliland, taasoo ay saldhig u tahay wax wada qabsi iyo iskaashi.

Dhinaca kale Wasiirku wuxuu u sharaxay weftiga in ay Somaliland sanadkan u diyaar garoobayso qabashada doorashada ururada,kuwaasoo furmaya bishan Juun, taasoo ah buu yidhi Wasiirku mid sharci oo tobankii Sanoba mar la qabto, waqtigoodiina la gaadhay, sidoo kalena ay diyaar u yihiin qabashada doorashooyinka ka danbeeya ta ururada.

Weftiga ayaa dhinacooda Somaliland ku ammaanay horuumarka iyo nabadgelyada ay ku tallaabsatay, iyada oo guud ahaan uu kulankani ku soo dhamaaday isfaham buuxa, iyaga oo weftigu sheegay in ay diyaar u Yihiin in ay Somaliland kala shaqeeyaan Horuumarka iyo nabadda.