Shirkadaha korontada Hargeysa oo u heshiiyay shacabka

Hargeysa -(Berberanews)-Shirkadaha korontada caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa kor u qaaday qiimaha laydhka ay siiyaan macaamiishooda.


Shir ay isugu yimaaddeen madaxda shirkadaha korontada ee Hargeysa maanta, ayaa lagaga dhawaaqay heshiis shirkaduhu ku gaadheen in la kordhiyo qiimaha laydhka, iyadoo halkii Unit (1) oo hore u ahaa $0.5 doollar, haatan laga dhigay $0.84.


Xukuumadda Somaliland, ayaan ilaa hadda ka hadal heshiiska shirkadaha korontadu kor ugu qaadeen qiimaha laydhka xilligan oo ay dalka ka jiraan duruufo adag oo ka dhashay Sicir-bararka iyo abaaraha oo saamayn ballaadhan ku yeeshay nolosha bulshada danyarta ah.
Shirkadda korontada ee magaalo-xeebeedda Berbera, ayaa sidan oo kale maalmo ka hor kordhisay qiimaha laydhka korontada, iyadoo halka (1) Unit laga dhigay $0.49, halka markii hore uu ka ahaa $0.39 dollar.