Maraykanka oo Gantaallo Hallistooda leh u diraya Ukraine

Ukraine-(Berberanews)-Maraykanka ayaa u diri doona Ukraine habab aad u horumarsan oo gantaallo ah si ay uga caawiyaan in ay isdifaacdo, madaxweyne Biden ayaa ku dhawaaqay.

Hubka, oo ay muddo dheer codsatay Ukraine, ayaa ah inay ka caawiyaan inay si sax ah u weerarto ciidamada cadowga meelaha fog fog.

Ilaa hadda, Maraykanku wuu diiday codsigaas iyagoo ka baqaya in hubka loo adeegsado badhtilmaameedyada Ruushka.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Maraykanku “si toos ah iyo si ula kac ah uu shidaal ugu daray dabka” hubka uu u geeyo Ukraine.

Dhanka kale, dawladda Jarmalku waxay ballan qaaday inay nidaamka difaaca hawada u diri doonto Ukraine.

Chancellor Olaf Scholz ayaa u sheegay mudanayaasha in nidaamka IRIS-T uu yahay kan ugu casrisan ee Jarmalku haysto uuna u suurtagelinayo Ukraine in ay magaalo dhan ka difaacdo weerarada cirka ee Ruushka.

Waxa uu intaa ku daray in uu bixin doono raadaarka raadraaca ee awood u leh in lagu ogaado madaafiicda cadawga, iyo gantaalada badan ee ridada.

Ficil dheellitirka

Arbacadii, Mr Biden waxa uu sheegay in gargaarka dilaaga ah uu xoojin doono mawqifka gorgortanka ee Kyiv ee ka dhanka ah Ruushka iyo in xal diblumaasiyadeed ay u badan tahay.

Isaga oo ku qoraya New York Times, ayuu yidhi: “Taasi waa sababta aan u go’aansaday in aan siin doono dadka reer Ukraine habab aad u horumarsan oo gantaallo ah iyo hub awood u siinaya in ay si sax ah u garaacaan bashtilmaameedyada muhiimka ah ee goobta dagaalka ee Ukraine.”