Maraykanka oo beeninay inay ku lug leeyihiin Xanuunka MonkeyBox

Nigeria-(Berberanews)-Safaaradda Maraykanka ee Nigeria ayaa soo saartay bayaan ay ku cambaaraynayso waxa ay ku tilmaantay “qoraalo marin habaabin ah oo dhawaan lagu qoray baraha bulshada” oo xidhiidhinaya cudurka daanyeerka ee hadda caalamka ka dilaacay iyo “waxa loogu yeero shaybaadhada uu Maraykanku xukumo” ee Nigeria.

Waxa ay sheegtay in warbixinada noocaan ah ay yihiin “been abuur” oo aan lahaym ” faa’iido” waxayna sheegtay in aanay jirin shaybaadh uu Maraykanku maamulo Nigeria.

27kii Maajo, Ruushku wuxuu waydiistay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) inuu baadho waxa uu ku sheegay shaybaadhka Nigeria ee uu Maraykanku maalgeliyo ee Abuja, Zaria iyo Lagos iyadoo la eegayo fiditaanka caalamiga ah ee furuqa daayeerka.

Busbuska daanyeerka ayaa markii ugu horreysay lagu arkay bini’aadamka sannadkii 1970-kii Afrika, wixii markaas ka dambeeyayna inta badan kiisaska waxaa laga soo sheegay miyiga iyo kaymaha roobka ee gobolka.

Waayihii dambe waxa uu ku fiday dalalka reer galbeedka ee Yurub, Waqooyiga Ameerika iyo meelo kale.