Maayarka Hargeysa oo ka horyimi muddaharaadka mucaaradku ku baaqeen

Hargeysa  – Duqa Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa Md. Cabdikariin Axmed  Mooge, ayaa  ka horyimi muddaharaad xisbiyada mucaaradku abaabulayaan.
Maayar Mooge oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ee WADDANI oo qaar ka mid warbaahinta la hadlay maanta, waxa uu madaxda axsaabta siyaasadda Somaliland u soo jeediyey inay miiska wadahadallada ku noqdaan, kana arrinsadaan qodobadda laysku hayo, laakiin aan loo baahnayn in shacabka laysku soo saaro.

“Waxaan qabaa in la wadahadlo, ummaddana aan laysku soo saarin, ee saddexda xisbi ee arrintani khusayso inay isla tagaan miiska wadahadallada, oo intay qol hoosta ka soo xidhaan xal ka gaadhaan arrimaha laysku hayo,” ayuu yidhi Maayar Cabdikariin Axmed Mooge.
Waxa uu sheegay inuu isagu masuul ka yahay horumarka iyo nabadgelyada caasimadda Hargeysa, sidaa awgeedna aannu oggolaan doonin bannaanbaxyo khatar gelin kara amniga.
“Aniga Maayar ahaan waxa i saaran horumarka Hargeysa, nabadgelyada Hargeysa iyo in dadkeedu ku noolaadaan nabad iyo walaalnimo.”
Maayar Mooge waxa uu carrabka ku adkeeyey in  muddaharaadka xisbiyada mucaaradku abaabulayaan aannu xal u noqon doonin khilaafka siyaasadeed ee ka taagan arrimaha doorashooyinka.
“Haddiiba muddaharaadku dhaco miyuu keenayaa xal, oo maalin la muddaharaaday miyey xal u noqonaysaa arrimaha laysku hayo? Jawaabtu waxay noqonaysaa maya,” ayuu yidhi Duqa Caasimadda Hargeysa.
Dhawaaqa Maayar Mooge ayaa ka dhigan inuu si toos ah uga horyimid go’aan siyaasadeed oo uu gaadhay xisbiga uu ka tirsan yahay ee WADDANI.
Labada xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID, ayaa ku guulaysatay aqlabiyadda doorashooyinkii goleyaasha Wakiillada iyo Degaanka ee Somaliland ka dhacay sannad ka hor maanta oo kale 31 May 2021, waxaanay isbahaysiga mucaaradku hantiyeen badi maayarrada magaalooyinka waaweyn ee dalka, sida Caasimadda Hargeysa, Burco, Boorama, Laascaanood iyo Ceerigaabo.