Soomaaliya oo ku biiraysa dalal Carbeed oo dhoollatus millatari ku sameynaya Badda Cas

Qaahira -(Berberanews)-Lixda waddan ee Masar, Sucuudiga, Urdun, Suudaan, Jabuuti, Yemen iyo kormeerayaal ka socda Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay inay dhoollatus millatari oo wadajir ah ka samayn doonaan Badda Cas dhowaan.
Taliyaha Ciidanka Galbeedka ee Sucuudiga, Admiral Yahya bin Mohammed Al-Asiri oo warbaahinta kula hadlay magaalada Riyaad maanta, ayaa sheegay in dalalka ku teedsan Badda Cas ay is-weydaarsan doonaan khibrado millatari oo kor loogu qaadayo amniga badaha iyo xorriyadda socdaalka Badda Cas.
Admiral Yahya oo hoggaamin doona dhoollatuska millatari, ayaa sheegay in hawlgalkani yahay mid lixda waddan ku  muujinayaan muhiimadda marin-biyoodka Badda Cas u leeyahay adduunka oo dhan dhaqaale ahaan.
Sucuudi Carabiya iyo shanta dawladood ee kala qaybgalaya dhoollatuska millatari oo Soomaaliya ka mid tahay, ayaa hore u samaystay isbahaysi ay sheegeen lagu horumarinayo iskaashiga siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga waddamada ku teedsan biyaha Badda Cas.