Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya oo wadahadallo qarsoodi ah la yeeshay TPLF

Lagos -(Berberanews)-Shabakad warbaahineed  gaar loo leeyahay oo ka diiwaangashan dalka Itoobiya, ayaa shaacisay in Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed wadahadallo qarsoodi ah kula yeeshay wakiillo ka socday Jabhadda Tigreega ee TPLF waddanka Nigeria oo uu safar ku tegay toddobaadkii hore.
Warbaahinta dawladda Itoobiya iyo kuwa Nigeria, ayaa safarka Ra’iisal-wasaare Abiy ku tilmaamay mid ujeeddadiisu ahayd sii xoojinta xidhiidhka labada dal, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, sayniska iyo farsamada, iyo waaxda macdanta iyo kuwo kale.
Hase yeeshee, shabakadda wararka ee Borkena, ayaa intaa ku dartay in kooxda TPLF ay wefti heer sare ah u dirtay Nigeria si ay wadahadallada uga qaybgalaan.

“Berhane Gebrekirstos oo ka tirsan ururka TPLF, horena u ahaa xubin dhanka fulinta ah [TPLF], ahaana safiirkii Itoobiya ee Maraykanka iyo Midowga Yurub, ayaa kooxda TPLF u matalayey wadahadalkii qarsoodiga ahaa ee ka dhacay Nigeria,” ayey tidhi warbixinta shabakadda Borkena.
Jabhadda TPLF ayaa dhowaan ku hanjabtay inay dhammaystirtay diyaargarowga dagaal adag oo ay sheegeen in lagu soo afjarayo go’doominta ciidammada federaalka Itoobiya iyo kuwa huwanta ah ku hayaan Gobolka Tigray oo ay naafeeyeen dagaallo khasaare aad u ballaadhan dhaliyey oo halkaas ka socday muddo iyo badh ah.