Qaylo-dhaan laga soo saaray Markab masiibo weyn ka geysan kara Badda Cas

Yemen-(Berberanews)-Dalalka Maraykanka iyo Netherlands ayaa ku biiray baaqa ay Qaramada Midoobay caalamka u dirtay ee ku aaddan in laga hortago “khatarta dhaqaale, deegaan iyo bani’aadannimo” ee ka iman karta markab duug ah oo shidaal badan sida, kaasoo laga cabsi qabo inuu ku dego xeebaha dalka Yemen.

Qoraal ay Jimcihii soo saareen diblomaasiyiinta labada waddan ayaa lagu sheegay in beesha caalamka iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ay mas’uuliyad ka saaran tahay ka hortagga khatarta ka soo foolka leh markabkaas oo lagu magacaabo FSO Safer.

Qaramada Midoobay iyo dalalka qeylo-dhaanta diray ayaa sheegay in si wax looga qabto markabka laga cabsi qabo inuu dego loo baahan yahay lacag dhan 144 milyan oo dollar, taasoo 80 milyan oo kamid ah shidaalka lagaga shubayo markabka, isla markaana lagu wareejinayo markab kale.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in hadda la hayo kala badh lacagtaas loo baahan yahay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xaaladda markabka ay tahay mid halis ah oo haddii uu la dego shidaalka saaran ay ka dhalan doonto musiibo aan la maareyn karin oo ka dhacda Badda Cas.

“Waxa uu markabkaas daadin karaa shidaalka ama waaba uu qarxi karaa. Haddii ay taa dhacdo, waxaa xidhmi doona marin badeedka Khaliijka iyo guud ahaan Badda Cas, waxaana ay arrintaa sii xumeyn doontaa xaaladda bani’aadannimo ee ka taagan Yemen.

Dabeylaha iyo bad xidhanka bisha October ayaa caqabad ku noqon kara dedaallada Qaramada Midoobay, isla markaana waxa ay burburin karaan markabka,” ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay diblomaasiyiinta Maraykanka iyo Netherlands.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in haddii uu markabka shidaalka ku daadiyo badda ay hawlaha nadiifinta ku kici doonaan lacag dhan 20 bilyan oo dollar.

Fallaagada Xuutiyiinta ayaa gacanta ku haya dekadaha galbeedka Badda Cas ee Yemen, waxaana kamid ah dekadda Raas Ciide oo qiyaastii 6 kilomitir u jirta halka u uku sugan yahay markabka laga dayrinayo.

Xuutiyiinta ayaa ku eedeeyay Qaramada Midoobay inay ka gaabisay dedaallada lagu dayactirayo markabka, wallow laba bilood ka hor ay dhinacyada gaadheen is afgarad ku aaddan arrintaas.

Qaramada Midoobay ayaa horay u sheegay in dhanka Xuutiyiinta ay hawshu ka socon la’ dahay.

Muxuu yahay markabka FSO Safer?

Waa markab lagu farsameeyay Japan. Dowladda Yemen ayaa sanadihii sideetameeyadii soo iibsatay si ay ugu keydiso shidaal dibadda loo dhoofiyo oo dhan 3 milyan oo foosto, kaasoo laga keenay ceelasha gobolka Marib.

Dhirirkiisu waxaa lagu sheegay 360 mitir, waxaana uu leeyahay 34 haamood oo lagu keydiyo shidaalka.

FSO Safer waa keyd shidaal oo ku sugan gudaha Badda Cas. Haatan waxa uu sidaa shidaal dhan 1.14 milyan oo foosto. Tan iyo markii uu bilowday dagaalka sokeeye ee Yemen, waxaa yaraa dayactirka lagu sameeyay markabkaas.

@Bbc Somali