Xubin 3aad oo iska casilay Komishanka Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa-(Berberanews)-Xubin muhiim ah oo ka tirsan Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa iscasilaaddiisa u gudbiyey madaxweyne Biixi shalay sida ilo xogogaal ah xaqiijiyeen.
Xubinta oo aan si rasmi ah loo shaacin magaciisa, ayaa loo malaynayaa inuu yahay Guddoomiyihii hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Mr. Cabdirashiid Riyo-raac.
Haddii madaxweynuhu ka aqbalo waa qofkii saddexaad ee iska casila Guddida Doorashooyinka Somaliland oo khilaaf laba garab u kala jabiyey u dhexeeyo.

Madaxweynaha Somaliland ayaa guddi baadhiseed oo madaxbannaan u magacaabay khilaafka ka dhex taagan xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, inkasta oo labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI ay si adag uga soo horjeesteen guddiga baadhista ee Madaxweyne Biixi, tallaabadaas oo ay ku tilmaameen inay tahay faro-gelin liddi ku ah madaxbannaanida Komishanka.