Wasiir Kaahin: “Waxa la leeyahay madaxweynow adna korodhso, annagana noo kordhi”

Hargeysa   -(Berberanews)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in xisbiyada mucaaradku si qarsoodi ah xukuumadda uga dalbadeen in madaxweynaha muddada loo kordhiyo, iyagana laga joojiyo furista ururrada siyaasadda.
Wasiirku waxa uu carrabka ku adkeeyey in madal markhaati leh axsaabta mucaaradku kaga dalbadeen xukuumadda in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha iyo furista ururrada siyaasadda, isaga oo xusay in labada xisbi mucaarad u soo dirsadeen ergo sida farriintaas.
“Wararka hoose ee aan iyaga afkooda ka soo bixin iyo ergooyinka nooga yimi, waxa la leeyahay madaxweynow adna korodhso, annagana noo kordhi. Been ma aha arrintaasi oo markhaatigeeda ayey leedahay, goleheeda ayey leedahay raggii yidhi ayey leedahay,” ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland waxa uu ku celiyey in furista ururradu tahay waajib sharci, Xeer 14 uu sheegayo in ururrada siyaasadda la furo tobankii sannoba mar, isla markaana xisbiyada hadda jira liisanku ka dhacayo bisha 26 December, 2022.
Wasiir Maxamed Kaahin waxa uu sheegay in aan la joogin waqti laga werwero dib u dhaca doorashada madaxweynaha, maadaama aanay weli dhowayn.