Somaliland: Golaha Guurtida  oo dood ka yeesheen siyaasadda arrimaha dibedda

Hargeysa – (Berberanews)-Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir guddoominayay Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa mudanayaashu waxa ay dood ka yeesheen siyaasadda arrimaha dibedda ee dalka iyo horumarinteeda.

Mudanayaasha doodda ka qaybgalay waxa ay si wadajir ah uga warrameen iyo weftiyo ka kala socda guddi hoosaadyada arrimaha dibadda, baarlamaanka iyo xubno ka socda ururrada rayidka ah loo diro dalalka caalamka, si ay hawlaha ictiraaf raadinta uga soo qaybgalaan.

Sidoo kale, waxa ay madaxweynaha ku bogaadiyeen safarkii uu ku tagay waddanka Maraykanka, oo keenay in xidhiidh diblomaasiyadeed ay la yeeshan dalal badan oo caalamka ah.

Waxa kale oo xildhibaannadu sheegeen in baasaboorka Somaliland, lagu tagi karo dalal badan oo caalamka ah, baarlamaanka Somalilandna ay diyaar u yihiin wixii talo iyo tusaale  iyo toosinba ah, ee wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland uga baahato, iyaga oo talo ahaan u soo jeediyay in siyaasadda arrimaha gudaha la kobciyo si siyaasadda arrimaha dibedda ee waddanka loo horumariyo.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Qawdhan ayaa ku taliyay in la iska daayo soo hadal qaadka magaca Soomaaliya.

Waxa uu yidhi. “Wadahadalkii ayaa ina jabiyay, yaan la soo qaadin, iyaguba ma jirtaan ayay ina yidhaahdaan waar innaguna ma jirtaan aynu nidhaahno oo hadal hayntooda iyo soo qaadistooda aynu iska dayno, Soomaaliya afku yaanu idinkaga dhicin, Somaliland ayaynu nahay, hortood ayaynu dawladd nahay, iyaga oo iminka baaba’sana waynu nahay, Somaliland ictiraaf raadinteeda sidii looga hawlgali lahaa aynu raadino.”

Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax Budeeye, ayaa talo ahaan   u soo jeediyay in siyaasadda arrimaha gudaha la kobciyo si siyaasada arrimaha dibedda ee waddanka loo horumariyo.
“Siyaasaddeenna arrimaha gudaha aynu hagaajino, oo qabyaaladda aynu ka dayno, siyaasadda arrimaha gudaha oo hagaagta waxa ay wada ta arrimaha dibadda.”

Xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud, ayaa madaxweynaha Soomaaliya loo doortay ugu baaqay in uu ictiraafka Somaliland ee uu ka ilduufay markii hore uu madaxweynaha ahaa uu iminka miiska saar.

Waxa uu yidhi: “Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay waxaan leeyahay maalintii hore wixii ku seegay ee aad madaxweynaha meesha ka ahayd,  maanta yaanay ku seegin ee ictiraafna miiska saar.”

“Waad ogtihiin in Maraykanku yimid, oo Ruushku yimid, oo Jarmalku yimi, waxaanay cid kasta danaynaysa in ay maalgashato bogcadda barakaysan ee aynu naalo, Carabtaba marka hore saaxiib ayaynu ahayn awalba oo way ina danaynayaan, marka siyaasadeedna arrimaha dibedu meel fiican ayay maraysaa, haddii aynu adkaysano nabadgelyadeenna, ALLENA inala qabto waala ina ictiraafi doonaa haddii ILLAAHEY yidhaahdo,” ayuu yuu yidhi xildhibaan Caydiid Cabdi Maxamed.