Nigeria: 31 qof oo ku dhintay goob mucaawimo loogu qaybinayay

Nigeria-(Berberanews)-Booliska Nigeria ayaa sheegay in ay bilaabeen baadhitaan kadib markii 31 qof ay ku dhinteen isku dhac ka dhacay koonfurta magaalada Port Harcourt.

Subaxnimadii Sabtida ayay ka dhacday goob Isboorti oo Kaniisad ay raashin ugu qeybineysay dad masaakiin ah oo qaarkood habeen ku sugnaa halkaasi.

Dadka isku soo baxay “waxay sababeen buuq badan oo aan la xakameyn karin” iyo abaabulayaasha oo ku guuldareystay inay dejiyaan xaaladda, ayuu yidhi booliisku.

Qaar badan oo ka mid ah dadka ku dhintay burburka ayaa ahaa haween iyo carruur.

Goob joogayaal ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in cadaadis waali ah uu socday qaarna cagta hoostooda ayaa lagu tuntay markii dadka isku dayay in ay soo gaadhaan albaabka lagu qasbay in dib loo celiyo.

“Waxay dadka ku odhanayeen ‘Dib u noqda, ku noqda, ku noqda,” Chisom Nwachukwu ayaa yidhi.

“Dadka qaarkood oo gadaal ka riixayay ayaa ku socday dadkaas.”
Goobta uu dhibtu ka dhacday ayaa waxaa gaadhay Ciidamo isugu jira Nabad Sugid iyo kuwo Gurmad ah, kuwaasi oo isku dayaya in ay xaalada xakameeyaan.

Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa lagu daweynayaa isbitaalka ciidamada ee magaalada Port Harcourt.

Kaniisada King’s Assembly ayaa sheegtay inay aad uga xuntahay dhacdadan, ayna dib u eegis ku samaynayso badbaadada iyo habraaceeda maaraynta dadka.

Waxa ay bilawday samafal sannadeedka 2014, laakiin waxa ay sheegtay in sanadkan “ka soo bixista, dhisidda iyo duruufaha ka qaybgalayaashu ay ahaayeen kuwo aan la filayn”, iyo in ka qaybgalayaashu ay billaabeen isu imaatinka ka hor inta aanay goobta joogin kooxaha ammaanka ee munaasabadda.

Taliyaha booliiska gobolka Rivers, Eboka Friday, ayaa ugu baaqay kooxaha diimaha iyo kuwa samafalka inay “xaqiijiyaan inay booliiska kala shaqeeyaan ammaanka iyo xakamaynta dadka” abaabulka barnaamijyada noocan oo kale ah mustaqbalka.

Marka laga yimaado baadhitaanka booliiska, waxaa la dhisi doonaa guddi dowlad goboleed si ay u eegaan xaaladihii dhacdadii Sabtidii, ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Rivers Nyesom Wike.

Nigeria ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa ka dhacay masiibooyinkan oo kale, oo ay ku jirto barnaamij cunto hay’ad gargaar ka waday gobolka Borno sannadkii hore halkaas oo toddobo haween ah lagu tuntay.