Midowga Afrika oo walaac ka muujiyay xiisadda Rwanda iyo Congo

Afrika-(Berberanews)-Madaxa Midowga Afrika, Madaxweynaha Senegal Macky Sall, ayaa walaac ka muujiyay xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Rwanda.

Dal kastaa wuxuu ku eedeeyaa kan kale inuu taageero jabhadaha hubaysan.

Mr Sall waxa uu ka codsaday in la is dejiyo, waxaanu ku booriyay labada dhinac in ay wada hadal ku dhameeyaan khilaafkooda.

Sabtidii Rwanda waxay sheegtay in laba ka mid ah askarteeda – Élysée Nkundabagenzi iyo Ntwari Gad – lagu haysto bariga DR Congo oo ay haystaan ​​maleeshiyada Hutu-ga Rwanda ee FDLR, kuwaas oo ay sheegeen inay taageero ka helaan Kinshasa.

Mar sii horeysay, DR Congo ayaa hakisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Rwanda, waxayna u yeedhay safiirka Kigali – iyadoo ku eedeysay deriskeeda inay taageerto fallaagada M23, oo ay hadda si rasmi ah ugu aqoonsatay argagixiso.

M23 ayaa sidoo kale laga saaray waan-waantii nabadeed ee Nairobi ee u dhaxaysay dawladda Kongo iyo kooxo badan oo maleeshiyo ah oo ka dagaallamaya gobolkeeda bari.