Malaga yaabaa in Xisbiyadu Mucaaradku dhaqdhaqaajiyeen khilaafka Komishanka?

Marka xaalku caadi yahay ee Hay’adaha doorashooyinku hawlahooda si caadiya u qabsanayaan, waxaa suuragal ah in hawlaha doorashooyinka si fudud loo fulin karo.

Ka soo qaad in Guddiga Diiwaangalinta Ururrada Siyaasaddu hawshooda ku dhammaystiraan ugu badanaan saddex bilood, sidaana ugu gudbiyaan Komishanka Doorashooyinka tirada Ururrada Siyaasadeed shahaadada ku-meel gaadhka u haysata inay doorashada ka qayb galaan.

Marka xaalku halkaa marayo, arrimuhuna caadi yihiin Komishanka ayay shaqadiisa tahay inuu qiimeeyo xaaladaha ku gedaaman qabashada doorashada Ururrada Siyaasadda isagoo la tashanaya dhimmaan dhinacyada ay Khusayso, wuxuuna Komishanku  awood u leeyahay inuu go’aammo iyo talooyin ka soo gudbiyo sida loo kala furdaaminayo Doorashooyinka isa saaran ee Ururrada Siyaasadda iyo ta Madaxtooyada.
Dabcan, go’aamadooda waxaa saamayn ku yeelan kara siday Doorashooyinku u kala hor diyaar garoobaan iyo fulinta go’aamadii Maxkamadda Dastuuriga ahi ka soo saartay arrinta furista Ururada Siyaasadda, iyadoo la eegayo xaqa dastuuriga ah ee Muwaaddiniinta reer Somaliland u leeyihiin inay 10- kii sannoba mar furtaan Ururrada Siyaasadda  si ay ugu tartamaan talada dalka sida ku cad Dastuurka qaranka iyo Xeerarka 91aad iyo 14aad.

Komishanku sidoo kale wuxuu awood u leeyahay inuu soo jeediyo wax-ka-beddel lagu sameeyo Xeerka furista Ururada Siyaasadda,  Xeer/ lr 14/2011 iyo Xeerka guud ee doorashooyinka Qaranka Somaliland,  Xeer/Lr. 91/2020, si loo waafajiyo go’aankii Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ahi ka soo saartay dacwaddii furista Ururada Siyaasadda.
Dhanka kale, waxaynu la wada soconnaa in Xisbiyada Mucaaradku aanay marnaba raalli ka ahayn, isla markaana ka dagaalamayaan in la furo Ururada Siyaasadda ee sannadkan ku astaysan.
Kolkaa, aniga aragtidayda waxay iila muuqataa inay suuragal noqon karto in Xisbiyada Mucaaradku -iyagoo ka baqo qaba go’aamada Komishanku ka soo saarayaan doorashada- ay dhaqdhaqaajiyeen khilaafka Xubnaha Komishanka doorashooyinka Qaranka si ay u carqaladeeyan hawsha Komishanka ee u diyaar garowga iyo qabashada doorashada Ururada Siyaasadda haddiiba ay sidaa isugu biyo shubato, iyagoo dhanka kalena  u ekaysiinaya inay xukuumaddu khilaafka dabada ka riixayso, si la mid ah murtida carbeed ee hoos ku xusan:
“ضربنی فبكی، وسبقنی ثم اسثشكی۔”
Oo soomaali ahaan noqonaysa: “Intuu I dilay ayuu iska oohiyey, isla markaana intuu iga soo hor maray uu soo ashtakooday (dacwooday).”

Marka hoos loo sii eegana aniga aragtidayda, wax dan ahi Xukuumadda xilligan uguma jirto  abuuridda khilaaf Komishanka dhexdooda ka dhasha oo carqaladayn kara hawlahooda, waayo xukuumaddu iyadaa sheegtay, iyadoo raacaysa xeerarka dalka in la furayo Ururrada Siyaasadda.
Adiga maxay kula tahay?

Ex. Xildhibaan Maxamed Xaaji Xuseen