Ethiopia: Hay’adda xuquuqul insaanka oo cambaaraysay xadhigga warbaahinta

Ethiopia-(Berberanews)-Hay’adda xuquuqul insaanka Itoobiya ayaa cambaareysay mowjado xadhig ah oo lagula kacayo suxufiyiinta.

Ugu yaraan 19 ka mid ah shaqaalaha warbaahinta ayaa xabsiga la dhigay, taasoo hay’adda xuquuqul insaanka ee xidhiidhka la leh dowladda ay ku tilmaantay “sharci darro”.

Maaza Mohammed, oo tifatire ka ah kanaal YouTube ah oo dhaleeceeya dowladda, ayaa ka mid ahayd dadka la xidhay Sabtidii.

In ka badan hal bil ayay xabsiga ku jirtay dabayaaqadii sanadkii hore markii Itoobiya ay soo saartay go’aan deg deg ah oo la xidhiidba dagaalka sokeeye ee ka dhacay waqooyiga dalkaasi.

Xadhiga dadkan ayaa billowday todobaadkii hore, waxayna kusoo beegmaysaa xilli ay maamulku ugu yeedheen “howlgal sharci ah” oo ka socda mid ka mid ah gobollada dalka ee Axmaarada, halkaas oo in ka badan 4,000 oo qof lagu xidhay wax ka yar laba toddobaad.

Madaxa guddiga, Daniel Bekele, ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid aad u hooseysa, oo inta badan lagu eedeeyo in ay abuureyso jawi cadaawad ah oo ay ku abuureyso warbaahinta madaxa banaan.

Berberanews.net