Erdogan oo sheegay inaanay ogolaan doonin dalalka ‘argagixisada taageera’ inay galaan NATO

Turkey-(Berberanews)-Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa sheegay in wada-hadallada Finland iyo Sweden ee ku saabsan ku biiritaankooda NATO aanay ahayn heerkii la filayey, Ankarana ma dhihi karto haa dalalka “argagixisada taageerta”, sida ay sheegtay TRT Haber.

Turkiga ayaa ka soo horjeestay in Sweden iyo Finland ay ku biiraan xulafada difaaca ee reer galbeedka, iyaga oo meel mariyay heshiis ogolaanaya balaadhinta taariikhiga ah kadib duulaankii Ruushka ee Ukraine.

Hadaladi u dambeeyay ee Erdogan ayaa muujinayay in mucaaradkiisu ay sii socdaan. “Inta uu Tayyib Erdogan yahay madaxa Jamhuuriyadda Turkiga, xaqiiqdii ma dhihi karno ‘haa’ dalalka taageera argagixisada inay soo galaan NATO,” ayuu yidhi mar uu la hadlayay suxufiyiinta isagoo ka soo laabtay safar uu ku tagay Asarbayjan Sabtidii.

Laba ilo ayaa hore u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in wadahadalkii Arbacadii lala yeeshay wufuud ka kala socotay Finland iyo Sweden aanay wax yar ka soo bixin, mana cadda goorta ay wada xaajoodyada kale dhici doonaan.

Dhammaan 30ka xubnood ee NATO waa inay ansixiyaan qorshayaasha lagu ballaadhinayo NATO.

Turkiga ayaa ka horyimid dalabaadka Sweden iyo Finland isagoo ku sababeeyay in wadamadu ay gabbaad siiyaan dadka xidhiidhka la leh kooxda xagjirka ah ee Kurdistan Workers Party (PKK) iyo kuwa kale oo ay u aragto argagixiso, iyo sababo la xidhiidha joojinta hubkii loo dhoofin jiray Ankara 2019.

“Ma ahan kuwa daacad ah, ma soo celin karno qaladkii horay loo galay ee ku saabsan wadamada ku jira NATO oo argigixisada quudiya, oo ah urur amni,” ayuu yidhi.

Dalalka Sweden iyo Finland ayaa sheegay in ay cambaareynayaan argagaxisada, ayna soo dhaweynayaan suurtagalnimada isku xidhka Ankara.

“Dadaallada dibloomaasiyadeed ayaa socda, waanu diidnay inaan faallo dheeraad ah ka bixinno xilligan,” ayay wasiiradda arrimaha dibadda ee Sweden Ann Linde ku tidhi warbixin email ah oo ay siisay Reuters ka dib hadalkii u dambeeyay ee Erdogan.

Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in Turkiga uu doonayo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjaro dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine, balse maalin walba xaaladu ay sii xumaaneyso.