Xukuumadda Somaliland oo farta ku fiiqday telefishanno ay ku eedaysay faafinta fikrado xagjirnimo

Hargeysa  -(Berberanews)-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ku eedeeyey in ay faafinayaan fikiradaha ururkii Itaxaad ee sagaashamaadkii ka dagaallami jiray dalka Itoobiya.
Wasiir Cabdillaahi Abokor oo warbaahinta la hadlay maanta, ayaa daboolka ka qaaday inay jiraan telefishanno ay leeyihiin dad xambaarsan fikrado diimeed xagjirnimo ah, haatanna si weyn ugu hawlan kala-qaybinta bulshada Somaliland.
“Waxa innagu soo kordhay arrin aan aad uga digayo … waxa jira TV-yo dad aragtida xagjirku ku jiro ay leeyihiin inta badan … maanta waxaan ogahay xubno qayb ka ahaa dagaalkii Itoobiya ee 1995 in TV-yo loo oggolaaday, kuwaas oo siday ummadda u kala qaybin lahaayeen awood badan saaraya,” ayuu yidhi Wasiirka Hawlaha Guud.
Wasiir Abokor oo aan carrabaabin warbaahinta uu ku eedeeyey faafinta fikradaha xagjirnimada ah, ayaa ku boorriyey hay’adaha ammaanka Somaliland inay tallaabo ka qaadaan.
“Ma jecli magacyadooda in aan sheego, balse haddii ay duruuftu nagu qasabto waan sheegayaa, laakiin qofkii u baahda waxaad ka garan kartaan ayaamahan wuxuu waraysanayey guddoomiyihii ugu muddada dheeraa ee ururkii Itaxaad. markaa fikradda xagjirnimada ah ee TVyadaasi ka dhex wadaan Somaliland waxaan jeclahay in laamaha ammaanku tallaabo ka qaadaan.”
Ugu dambayn, Wasiirku waxa uu xusay in kadib qaraxyadii sannadkii 2008 lala beegsaday magaalada Hargeysa, ay shacabka Somaliland ka foojigan yihiin khatarta argagixisada, isla markaana ay taasi keentay in aanay mar dambe falal argagixiso ka dhicin dalka.