Wakiilka Somaliland ee Finland oo cabasho ka muujisay masuul faro-gelin ku haya

Waa Lay Damqayaaye Inaan Hadlo Maan Doonaynin…!

Anigu qaran dhan ayaan matalayaa oo aan magaciisa huwanahay, ama warqad ha la igu magacaabo ama digreeto, labadaba waxaa ka horeeya waa qofnimadayda, damiirkayga, aqoontayda, kartidayda iyo magacayga..

Xilkan aan sido ee qaranimo kumaan helin reernimo iyo ehelnimo, oo caaqil, suldaan iyo qabiil ima siini, laakiin waxaan ku helay waa dareenka jacalka dalkayga iyo dadkayga Somaliland ee aan u qabo, oo tacab iyo maal ayaan sannado badan geliyey oo waan u soo samray inaan heerkaa soo gaadho, taas oo macnaheedu yahay: xilka anigaa sameeyey ee xilku aniga magac iimu samayn, iyada oo aanay cidna igacan qaban oo garab iyo hiilna aanan ka helin, aniga oo waliba qurbe ku dhashay oo qurbe kale ku noolahay oo Somaliland iigu horeysay inaan booqdo oo aan arko 2015…!
Xafiiska Somaliland ee Finland aniga ayaa diiwaan galiyey, qalabeeyey oo waliba kafaala-dqaaday inuu furnaado inta aan noolahay, siduu Ilaahay noloshayda iyo naftaydaba oo u ka faalad qaaday.
Haddaba, aniga oo birmagayda ah oo muwaadinad reer Somaliland ah, uma dulqaadan karo in dumarnimo laygu cago juglayo, laygu awood sheegto oo laygu cabudhiyo aniga oo u dadaalaya dalkayga iyo dadkaygaba oo daacad ugu shaqayenaya hadh iyo habeen, oo magacoodii iyo sharaftoodii huwan in oo wakiil Somaliland ah oo aanu isku xil qaranka u hayno oo Europe ila jooga inuu farogelin qaawan isaga iyo rag la mid ah ay ii geystaan iyaga oo shaadh qabiil ii adagysanaya.

Somaliland jacaylkeeda iyo u adeegeedda cidna anigu u daba fadhiisan maayo, waayo waa waajib saaran qof walba oo micnaha Waddaniyadda iyo xaqa waddanku oo  ku leeyahay yaqaana…! Xilkeedana anaa isu diray kii i jecel iyo kii i neceb ba Somaliland waa dalkaygii, dadkaygii iyo ciiddaydii oo weligayna waan u shaqyen doonaa oo waan u adeegayaa inta aan noolahay xil iyo xil la’aanba.

Talo waxa iga ah ragga waaweyn ee aan la hadlay oo hadalgaygu ku socdo:
Nin waliba gabadh wuu dhalay, waanu qabaa, waanay dhashay, waanay kula dhalatay ee gobta xeeka lagu yahay weligiin ha baal marina, beri waxay noqon mooye…! Qaranka ayaa idin ka baahan waqtiga aad ku luminaysaan qof carqaladdiisa.

Samia Muse
Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Finland.