“Mudaharaad aan sharci ahayn lama ogola” Wasiirka Daakhiliga Somaliland

“Arrinta (codsiga mucaaradka) ilaa laga wadahadlayo ciddii tidhaa mudaharaad ayaan qabanaya waa qayru sharci”

Hargeysa -(Berberanews)-Xukuumadda Jamhuuriyadda, ayaa sheegtay in aan wax mudaharaadyo ah dalka laga dhigi karin ka hor inta layla meel dhigayo qaabka iyo ujeeddada codsi labada xisbi mucaarad ku dalbadeen oggolaanshaha bannaanbaxyo siyaasadeed.
Xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo WADDANI, ayaa u gudbiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed maanta qoraal ay fasax ugu dalbanayaan mudaharaad taageerayaashoodu ku muujinayaan dareenkooda ku wajahan khilaafka ka taagan doorashooyinka.
xisbi mucaarad sheegtay in warqada ay mucaaradku ku dalbadeen mudaharaadka, aanay u dhamaystirnayn shuruudihii looga baahnaa, sida in lagu xuso sababta, goobta iyo waqtiga la qabanayo mudaharaadka.

Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland, mudane  Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in dastuurku uu u ogolaanayo in xisbiyadu ay mudaharaad qabsadaan, balse  aanay qoraalka codsiga mudaharaadka sidin masuuliyiintii soo qoray oo ahayd in ay iyagu yimaaddaan si habka mudaharaadku uu u dhacayo looga wada tashado.
“Marka kowaad Dastuurka Qaranka Somaliland ayaa oggolaanaya mudaharaadka. Warqaddaasi markii ay ii timi waxa siday saddex xubnood oo saddexda xisbi ka socda, laakiin ma sidin masuuliyiintii soo qoray, oo ay ahayd in aannu halkan kaga wadahadallo oo aannu iswaydiinno asbaabaha iyo sababaha iyo arrimaha kale ee hawlaha nabadgalyada la xidhiidha.”
Wasiirku waxa uu sheegay in codsiga xisbiyada mucaaradka aan lagu caddayn ujeeddada mudaharaadka iyo waqtiga uu dhacayo toona.
“Qaynuunku wuxuu qorayaa marka ugu horraysa in la caddeeyo ujeeddada mudaharaadka loo dhigayo. Mar labaadka wuxuu qorayaa in la caddeeyo goobaha lagu qabanayo, mar saddexaadka waa in lagu qoraa taariikhda uu dhacayo,” ayuu yidhi Wasiir Kaahin oo iftiiminayey shuruudaha lagu qaban karo mudaharaadyo dadweyne.
Waxa kale oo uu tilmaamay in ay muhiim tahay in codsiyada mudaharaadka si faahfaahsan loogu caddeeyo dhammaan qodobadda uu waajibinayo Xeerka Maamulka Nidaamka Dadweynaha, isagoo xusay inay jiraan goobo bannaanbaxyada dadweynaha lagu qaban karo iyo meelo ka caaggan, sida suuqyada ganacsiga iyo agagaarka cusbitaallada.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland waxa uu inta raaciyay inuu ka war sugayo madaxda axsaabta mucaaradka oo uu doonayo in ay isu yimaaddaan, si meel layskula dhigo nidaamka iyo qorshaha mudaharaadka ay dalbadeen, inta ka horreysana aan wax mudaharaad ah dalka ka dhici karin.
“Arrinta (mudaharaadka) ilaa laga wadahadlo ciddii tidhaa mudaharaad ayaan qabanayaa waxaan u sheegay in uu yahay qayru sharci,” ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Khadar Maxamud Khadar Cabdi Muuse Ibrahim Khadar Khadar Horyaal Khadar Eid Kaariye Khadar Quule Saciid Khadar Cali Hassan Cali Caano Dhame Cabdilahi Cali Suudi Nuur Cali Moh Nimco Faysal Cali Cali Xasan Sugulle.