Mid ka mida maraakiibta ugu waaweyn adduunka oo Berbera kusoo waajahan

▪︎Khariidada dhinaca midig ee hoose wàa markabka Bonette oo maraya Bangeo- Dong oo ah tuulo ku taala gobolka Ulsan ee Koonfurta Kuuriya-

Markab lagu magacaabo Bonette, ayaa waxa uu marayaa biyaha Waqooyiga Shiinaha.

Bonette, waxa uu ka yimid magaalada Ulsan, oo ku taala Koonfurta Kuuriya, maanta oo ah Sabti,May 28, 2022.Bonette ayaa doonaya in uu ku soo xidho Dekeda Berbera ee Jamhuuriyada Somaliland, maalinta Axadda, June 19, 2022, saacada Geeska Afrika 21:02 fiidnimo.

Bonette, oo dhererkiisa uu yahay 169.37 meter, ayaa alaabta uu sido qiimaheeda ay tahay USD$19.1milyan oo doolar ( $19,100,000.00 ).

Ahmed adan