LONDON –(Berberanews)-Hoggaamiyaha Chechnya Ramzan Kadyrov oo saaxiib dhow la ah madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa ku hanjabay inuu weerari doono Poland sababo la xidhiidha taageerada ay siiso Ukraine.
Isagoo ka hadlayay muuqaal la soo dhigay baraha bulshada Arbacadii, wuxuu ka digay in Poland ay “si wanaagsan u soo ceshato” hubkii ay u siisay deriskeeda.
“Arrinta Ukraine waa xidhan tahay,” ayuu yidhi Kadyrov. “Waxaan xiiseynayaa Poland. Poland, waxay isku dayaysaa inay ku guulaysato?”
Waxa uu intaa ku daray: “Ka dib Ukraine, haddii nala siiyo amarka, lix ilbidhiqsi gudahood waxaan ku tusi doonaa waxa aan awoodno. Waxaa wanaagsan in aad soo celisaan hubkiina iyo calooshood u shaqeystayaal oo aad cafis rasmi ah ka weydiisataan wixii aad gasheen”.
Poland ayaa ka mid ah taageerayaasha ugu xoogan Ukraine tan iyo markii uu bilowday duulaanka uu hogaamiyo Kremlin-ka 24-kii February.
“Ilaa hadda, Poland waxay ku wareejisay qalab milatari deriskeena bari ah oo qiimahiisu yahay 7 bilyan zlotys, ama $ 1.6 bilyan,” Ra’iisul wasaaraha Poland Mateusz Morawiecki ayaa yidhi intii lagu jiray kulan ka dhacay Krakow bishii hore. “Qalabkani wuxuu badbaadinayaa madax-bannaanida qaranka Ukraine, Poland iyo Yurub.”
Berberanews.com