HA DAARDAARIN WAA GOB EH!!

WQ Cali Guray
Maxamed Kaahin waa mujaahid aanu isku halgan ahayn. Aniga wuu  iga sareeyaa oo wuu iga horeeyaa oo waan ka dambeeyaa.
Kuwa u soo dagaalamay wixii laga dagaalamay ama dano gaar ah oo ay lahaayen Maxamed kuma jiro. Waa shakhsi wanaagsan oo calool wanaagsan oo naftiisa u dhiba naf kale oo dhibaataysan.

Waa nin gacan furan oo deeqsi ah oo wixii uu hayo aan waxba kala hadhin ee is wada dhaafiya, Ilaahay cimriga iyo caafimaadkaba ha u siyaadiyo.

Haa dagaalka siyaasadda laga yaabaa in hadal uu yidhi dad qoonsado waana bashar oo wuu qaldami karaa, balse aniga xagayga waxba kama bedeli karto wuxu Maxamed Kaahin yahay iyo qofnimadiisa.
Maxamed Kaahin waa geesiyaashi halganka wuxu ka mid ahaa sadexdii sarkaal ee SNM ugu hor talaabay. 29kii January 1982 markii ay AHN Aadan Shiine  iyo Axmed Dhagax ay Hargeysa ka ambabaxeen ee Xarshin ay gaadheen isaguna 2dii Febuary (sadex afar maalmood ka dib) ayuu xaga Degmada Gebilay ka baxay. Taliyihii Gt 4aad AHN Maxamed Cali ayaa ku qaabilay geedkii uu caanka ku ahaa “Geedka Maxamed Cali” oo aan ka fogayn Geed-balaadh.

Maxamed Kaahin waa ninka ilaa 1991kii aan xataa guri ku lahayn Hargeysa ee Hudheel iyo Kiro ku jiray. Muu waayin  wuxu guri ku dhisan karo ee wixii uu helaba wuu isdhaafinayay. Agoonta iyo naafada iyo muhaahidiintii SNM ee dhibaataysan waa sarkaalka sida gaarka ah u og ee ay ku soo hirtaan. Waa kii uu Hadraawi tilmaamayay Hadraawi  ee lahaa “GURIGIISA HABAQLUHU ISKU SOO HALEEYOO”. Maxamed heerka wanaagiisu gaadho nin kafantiisa ltolaya ayuu kabahiisa tolaa. Maxamed waxan u aqaan ama ii yahay saaxiib halgan oo qaali ah. Uma baahni cid ii xayaysiisa ee wuu dhaafay heerkaa. Maxamed aniga xagayga waa weli Ilaahay ama adoon Ilaahay oo wanaagsan ee ha daardaarin waa gob eh