Ethiopia oo xabsiga dhigtay boqollaal qof

Ethiopia-(Berberanews)-Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay magaalada caasimadda ah ku xidhay 349-qof oo lagu eedeeyay dambiyo isugu jira in ay qorsheynayeen falal argagixisanimo iyo kuwo hurinaya rabshado.

Booliska federaalka iyo komishanka booliska ee Addis Ababa ayaa khamiistii sheegay in ay xidheen 349 ” tuhmane “, sida muuqata caasimada Addis Ababa.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay EBC, warbaahinta dowladda, argagixisada, dhac abaabulan, musuqmaasuq iyo kicinta xasillooni darro iyadoo la adeegsanayo “warbaahinta bulshada” ayaa ka mid ah dambiyada ” tuhmanayaasha” lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen.

Sidoo kale waxaa la sheegay in dadka la qabtay ay ku jiraan rag Al-Shabaab ah oo loo diray Addis Ababa si ay falal argagaxiso u geystaan.

Guddi-hawleed ka kala socda labada hay’adood ee fulinta sharciga ayaa ku andacoonaya in ay qabteen hawlo dhawr ah, muddo kooban gudaheed, kuwaas oo looga gol-leeyahay ka hortagga dambiyada ka dhaca caasimadda Addis Ababa.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay hadda baadhitaan ku hayso qorshe abaabulan oo la sheegay in ay Jabhadda Oromada ee OLF-Shane ku doonayso in ay falal Argagixiso ka fuliyaan magaalada.

Sida warbixinta lagu sheegay, dambiyada ka dhacay caasimadda sannadihii u dambeeyay ayaa sababay khasaare ka badan 580 milyan oo birr.

Marka laga hadlayo musuqmaasuqa, guddiga hawsha wuxuu yidhi: “Shaqaalaha heer degmo ee aan anshaxa wanaagsaneyn” waxay bixiyeen 47 kaarar aqoonsi oo been abuur ah shaqsiyaad ujeeddadoodu ahayd inay galaan dambiyo kala duwan.

Sidoo kale, guddiga loo xilsaaray arrintan ayaa sheegay in la baadhayo eedaysanayaal baraha bulshada ku wada xidhiidhaa oo ka shaqeynaya hurinta colaadaha salka ku haya isir-ku-tagga iyo sidii ay isku dhac u dhex dhigi lahaayeen dowladda iyo shacabka.

Sheegashadan laguma sii faah faahin warka ka soo baxay warbaahinta dowladda.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda ayaa toddobaadkan xidhay dhowr qof oo u dhaqdhaqaaqa iyo saxafiyiinta kuwaas oo sidoo kale la og yahay inay aad ugu firfircoon yihiin baraha bulshada oo ay ku jiraan kanaalada YouTube.

Berberanews.com