Ergo culimo ah oo isu xilqaamay dhexdhexaadinta khilaafka xukuumadda iyo xisbiyada 

Hargeysa – Qaar ka mid ah culimada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa bayaan ay soo saareen maanta waxa ay madaxda xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadda ugu baaqay inay danta guud ee bulshada dhawraan, maslaxadda guudna u tudhaan, isla markaana qaboojiyaan muranka siyaasadeed ee u dhexeeya.
Culimadu waxay si gaar ah Madaxweyne Muuse Biixi ugu codsadeen inuu masuuliyaddiisa odaynnimo muujiyo oo khilaafka jira ku soo afjaro dulqaad iyo tanaasul.
Khilaafka u dhexeeya xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadda ayaa maalmihii u dambeeyey sii xoogeysanayey, iyaga oo warbaahinta isu marinayey hadallo kulul.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay ‘in qaabka warqadda loo geeyey u taallaa ay tahay qaab aan waafaqsanayn sharciga, sidaa awgeedna uu dalbaday in ay guddoomiyeyaasha labada xisbi si fool ka fool ah uga wadahadlaan faahfaahinta qaabka ay u doonayaan in ay u dhigaan bannaanbaxyada mucaaradku rabaan in ay qabtaan.’