Berbera: Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta oo mashaariic dhagax dhigtay

Berbera-(Berberanews)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud ,Dhulka iyo Guryeynta Somaliland Cabdilaahi Jiidhe  ayaa sharaxaad ka bixiyey mashaariic culus oo  ay ka fulinayaan Magaalada Berbera .

Waxana Agaasime Jiidhe Yidhi :-
“Waxaan Maanta Magaalada Berbera Ka Daahfurnay Laba Mashruuc oo Waaweyn Muhiimna U Ah Qaranka Iyo Degmada Berberaba  waxayna  kala Ahaayeen:
1:  Daahfurka Wejiga Labaad Ee Berbera Urban Development ayna Maalgaliniso European Union ku.

2: Daahfurka Qorshe Magaaledka Berbera (Berbera Master plan).
Ilahay Ha Inoo Fududeeyo dhamaanteen Shaqooyinka Qaranka Qof weliba Mesha Uu Kaga Jirro.”