“12 sano ka hor waxaan Kulmiye ku wareejiyay dal iyo dad midaysan” Daahir Rayaale

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ka dayriyay xaaladda uu dalku ku suganyahay.

Mr Rayaale waxaa uu hoggaamiyayaasha Somaliland Alle uga baryay kuwo garowsada rabitaanka shacabka.

“12 Sanno ka hor waxaan Xisbiga Kulmiye ku wareejiyey Dal iyo Dad Midaysan Somaliland Barri ilaa Galbeed is-jecel, maantana waad aragtaan halka xaalku marayo Somaliland ilaahay haynoo bad baadiyo oo hogaamiye-yaasha hadeer jooga haka yeelo kuwa garwaaqsada rabitaanka shacabka.” Sidaa waxa bartiisa kusoo qoray Daahir Rayaale Kaahin oo xilka hayay muddo sideed sanaood ah.