Warbaahinta Carabta oo hadal haysa gabadh Somaliyed oo dishay nin kufsanayay

Masar-(Berberanewz)-Warbaahinta dalalka carabta ayaa si wayn u hadal haysa gabadh Soomaaliyeed oo la sheegay in ay dishay nin isku dayay in uu gufsado.

Gabadha ayaa la sheegay in ninkan ahaa darawal gaadhi ay dishay ka dib markii ay mindi la dhacday.

Gabadhan oo dilka ka dib booliiska isu dhiibtay ayaa waxaa ay imika Xeer ilaalinta guud ee dalka Masar ay amar ku bixisay in la sii daayo.

Baadhitaanada kiiska gabadhan ayay xeer ilaalintu sheegtay in ay sii socon doonto ilaa laga soo gabagabaynayo.

ilaa iyo imika booliiska dalka Masar iyo waliba warbaahinta dalkaasi ma aanay shaacin magaca gabadhan oo da;deeda lagu sheegay 15 jir.

Sida ay qortay warbaahinta dalka Masar gabadha ayaa saarnayd gaadhi taksi ah markaasi oo darawalkii taksigaasi uu isku dayay in uu kufsado.

Mindi uu ku cabsiinayay darawalka la sheegay in uu doonayay in uu kufsado ayaa la sheegay in ay gabadha gacanta u gashay ayna laabta ka galisay.

Gabadhan Soomaaliga ah ayaa markii ay booliiska su’aalo waydiiyeen waxa ay qiratay in ay dishay darawalka ka dib markii uu isku dayay in uu kufsado.

Baadhitaan hordhac ah oo la sameeyay ka dib ayaa waxay booliiska xaqiijiyeen in falka uu u dhacay sida ay gabadha sheegtay.

Dalka Masar waxaa ku badan dhibaatooyiinka la xidhiidha tacadiga dhanka jinsiga iyo waliba kufsiga gaar ahaan kuwa ka dhex dhaca gaadiidka dadwaynaha.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay, 9 ka mid ah tobankii dumar ah ee Masar ayaa loo gaystay faraxumayn, waxaana caasimadda Masar hore loogu tilmaamay inay tahay meesha ugu khatarta badan adduunka ee ay haween ku noolaadan .

Ururada u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka ee Masar waxay si firfircoon isugu dayeen inay la dagaallamaan dhibaataynta galmada iyagoo bilaabay olole looga hortagayo tacadiyada noocan ah.

Dowladda Masar ayaa dhankeeda isku dayday in dhanka shuruucda lagula dagaalamo tacadiyada loo gaysto haweenka iyo gabdhaha.

@Bbc Somali