Taliyihii Booliska iyo Wasiirkii  Maaliyada Jabuuti oo la xukumay

Jabuuti -(Berberanews)-Maxkamad ku taalla dalka Jabuuti, ayaa shan qof oo ay ku jiraan taliyihii hore ee booliska iyo wasiirkii hore ee miisaaniyadda ku xukuntay xabsi u dhexeeya lix bilood ilaa shan sanno, sida uu sheegay TV-ga RTD Djibouti ee dawladdu leedahay 26-kii bishan May oo ku beeganayd shalay.
Maxkamadda Jabuuti ayaa ku xukuntay Yaabe Saciid Geelle iyo Ibraahim Cabdi Geelle 5 sanno oo xadhig ah mid walba.
Labadan masuul ayaa lagu helay dambiyo la xidhiidha inay si sharci-darro ah u faafiyeen sheeko telefoonka ku dhexmartay masuuliyiin sare oo madaxweynuhu ka mid yahay. Waxa lagu eedeeyey in ay laaluush qaateen si ay u faafiyaan wada-sheekeysiga.
Sidoo kale, waxay Maxkamaddu min saddex sanno oo xadhig ah ku xukuntay Cabdillaahi Cabdi Faarax oo ah Taliyihii hore ee Booliska iyo Boode Axmed Rooble oo ahaa wasiirkii hore ee miisaaniyadda, waxana lagu helay dembi ah inay si sharci-darro ah ku heleen, lacagna ku bixiyeen wada-hadallo sir ah oo dhanka telefoonka ah.
“Dacwad-oogaha guud wuxuu Cabdalla Xasan Ciiltire, Agaasimihii hore ee Baanka Dhexe ku xukumay lix bilood oo xadhig ah, kaddib markii lagu helay inuu xidhiidh la lahaa, sidaas oo kalena uu qayb ka ahaa wax la fududaynta [eedaysanayaasha kale],” sida ay xaqiijisay warbaahinta dawladda Djibouti.
Dawladda Jabuuti ayaa xabsi guri gelisay dhowr taliye oo isugu jira millateri iyo boolis 15kii bishii February ee sannadkan 2022, kaddib markii looga shakiyey inay maleegayeen afgambi dhicisoobay oo ka dhan ah Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Shabakadda Internet-ka ee La Voix de Djibouti oo taageerta mucaaradka, ayaa maalin kaddib lagu qoray in wasiirkii hore ee maaliyadda Boode Axmed Rooble la xidhay.