Iran oo qafaalatay laba Markab oo Giriiga laga leeyahay

Iran-(Berberanews)-Ciidamada Iran ayaa gacanta ku dhigay laba markab oo laga leeyahay dalka Giriiga Jimcihii maanta, sida ay ku warantay warbaahinta dowladda Iran, wax yar ka dib markii ay Tehran ka digtay in ay “tallaabo ciqaabeed” ka qaadi doonto Athens, sababo la xidhiidha Saliida Iran uu Mareykanku kala wareegay markab lagu haysto xeebaha Giriigga.

Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ayaa bayaan ay soo dhigeen website-kooda rasmiga ah ku sheegay in ay qabteen laba markab oo saliid ah oo laga leeyahay dalka Giriiga oo marayay gacanka Carabta “sababo la xidhiidh xadgudubyo la sameeyay.” Bayaanku ma faahfaahin waxa “xadgudubyada” yihiin.

Gariiga ayaa kaga jawaabtay in ay Iran ku eedaysay “budhcad badeed” ka dib markii IRGC ay sheegtay in ay qabteen laba markab oo saliid ah oo sitay calanka Giriiga Jimcihii gacanka Khaliijka.

“Falalkan waxay la mid yihiin falalka budhcad badeednimada,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda ku tidhi hadal ay soo saartay, iyadoo uga digaysa muwaadiniinta Giriiga inay ka fogaadaan inay u safraan Iran.

Waxa ay sheegtay in ay si adag uga mudaaharaadday safiirka Iran ee Athens oo ay kaga soo horjeedaan qabsashada “rabshadaha” Talaabadan ayaa timid kadib markii ay labada wadan isku khilaafeen halka uu ku danbeyn doono shixnad saliid ah oo Iran laga leeyahay oo saarneyd markab sitay calanka Ruushka oo lagu qabtay dalka Giriiga bishii April.

Athens ayaa sheegtay in diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidamada badda Iran ay rag hubaysan ku dejiyeen labada markab-booyadood horaantii Jimcihii.