Shaqaale ka mida safaaradda Maraykanka ee gacanta Xuutiyiinta ku jiray oo dhintay

Yemen-(Berberanews)-Maraykanka ayaa dib u soo cusboonaysiiyay baaqii ay Xuutiyiinta Yemen kaga dalbanayeen in la sii daayo shaqaalaha safaaradda Maraykanka ee xidhan, ka dib markii uu dhintay shaqaale hawlgab ah oo u shaqaynayey Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) oo ku jiray gacanta fallaagada.

Safaaradda Mareykanka ee Sanca ayaa abaal-marin u siisay shaqaalaha geeriyooday, Abdulhameed Al-Ajami, Khamiistii, waxayna ku tilmaantay “Yamani ku hanweynaa inuu u heellan yahay waxbaridda carruurta Yemen”.

“Waxaan tacsi u direynaa eheladiisa, waxaana ugu baaqaynaa Xuutiyiinta inay joojiyaan cadaalad darada, lana sii daayo qof kasta oo hadda ka shaqeeya safaaradda Mareykanka iyo kuwii hore ee safaaradda,” ayaa lagu yidhi bayaan ay safaaraddu soo dhigtay barteeda Twitter-ka.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa Arbacadii sheegtay in Al-Ajami “wax xidhiidh ah aanu la sameyn qoyskiisa lixdii bilood ee ugu dambeysay noloshiisa”.

“Maraykanku waxa uu istaagay dadaalkiisii ​​dibloomaasiyadeed ee lagu doonayay in lagu sii daayo shaqaalaheenna Yemen ee Sanca,” afhayeen u hadlay Ned Price ayaa ku yishi hadal uu soo saaray.

“Waxaan ka dalbaneynaa Xuutiyiinta inay sii daayaan shaqaalaha Mareykanka ee hadda xidhan iyo kuwii hore.”

Washington ayaa xidhay safaaradeeda caasimadda Yemen ee Sanca 2015-kii markii uu sii xoogeystay dagaalka sokeeye ee dalkaas.

Xuuthiyiinta ayaa la wareegay xaruntii ay ku shaqeyn jirtay xafiiska diblomaasiga ah ee bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

Fallaagada ayaa sidoo kale xidhay tobanaan qof oo hore uga shaqayn jiray deegaanka.