Masiibada 11 carruura oo ku dhintay dab qabsaday Cusbitaal ku yaal Senegal

Senegal-(Berberanews)-Kow iyo toban carruur ah oo dhawaan dhashay ayaa ku dhintay dab ka kacay qeybta dhalmada ee isbitaal ku yaalla galbeedka magaalada Tivaouane ee dalka Senegal.

Saddex caruur ah ayaa laga soo badbaadiyay dabka, isagoo intaa ku daray.

Masiibadan ayaa ka dhalatay murugo iyo cadho guud ahaan Senegal oo ka dhalatay burburka ka jira qaar ka mid ah xarumaha caafimaadka ee dalkaasi.

Qoysaska ayaa u yaacay Isbitaalka Mame Abdou Aziz Sy Dabakh si ay u ogaadaan haddii caruurtooda ay badbaadeen.

Waxaa la arkayey qaar bannaanka fadhiya oo ilmeynaya oo madaxa gacmaha ku haya, oo ay la ildaran yihiin wararka sheegaya in carruurtooda ay ku jiraan meydka.

“Aad baanu murugeysannahay,” waxaa BBC-da u sheegay wiil dhalinyaro ah oo magaciisa kusoo koobay Cabdow.

“Dumaashiday ayaa umushay bishii hore balse way dhimatay, canugaasi waxa uu dhashay todoba bilood markii uu uurka ku jiray, markaa waa in la daweeyaa, hadda waxa uu ka mid yahay dadkii ku dhintay dabkan,” ayuu yidhi.

Moustapha Cissé ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in wiil uu adeer u yahay oo saddex toddobaad jir ah oo lagu magacaabo Mohamed uu ka mid yahay dadka dhintay.

Hooyadiis Ramata Gueye ayaa iyaduna geeriyootay kadib markii ay umushay. Iyada iyo ninkeeda, El Hadj Gueye, waxay isku dayeen inay ilmo helaan muddo toddoba sano ah, Maxamedna wuxuu ahaa ilmo keliya oo ay dhaleen.

“Waa qalbi jab in la arko isaga oo waayay xaaskiisa iyo hadda ubadkiisa,” ayuu yidhi Mr Cissé. “Xitaa indhihiisa kuma eegi karo.”

“Ma qorshaha Ilaahay baa mise waa uun in cisbitaallada Senegal ay fashilmeen, waxaan u baahanahay inaan su’aashan hordhigno dowladda,” ayuu raaciyay.

Cisbitaalka ayaa dhawaan la furay, sida ay sheegtay AFP, iyadoo soo xiganeysa warbaahinta gudaha.

Madaxweyne Macky Sall ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq qaran ah.

“Hooyooyinkooda iyo qoysaskooda, waxaan u muujinayaa dareen murugo leh,” ayuu ku soo qoray bartiisa twitter-ka.