Kenya: Garoonka Wilson oo loo xidhay dhoolatuska Ciidanka Cirka

Kenya-(Berberanews)-Hay’adda duulista rayidka ee Kenya (KCAA) ayaa ku dhawaaqday in si ku meel gaadh ah loo xidhay garoonka diyaaradaha ee Wilson, taasi oo saameyn ku yeelan doonta duulimaadyada ka soo dagaya iyo kuwa ka dhoofaya garoonka maalinta Sabtida ee 28-ka May.

Sida ku cad ogeysiiska, xidhitaanka waxaa sabab u ah Bandhigga Hawada ee Matxafka Difaaca Kenya oo soo socda oo ka dhici doona beerta Uhuru ee ku teedsan wadada Lang’ata ee Nairobi isla maalintaas.

KCAA, oo ah hay’adda u xilsaaran nidaaminta hawada dalka, ayaa sharraxay in xidhitaanku uu socon doono 7-da subaxnimo ilaa 2-da duhurnimo.

Rakaabka ayaa tan iyo markaas lagula taliyey inay hubiyaan xaaladda duulimaadyadooda ka hor inta aanay tegin garoonka.

“Rakaabka loo qorsheeyay inay u safraan sabtida madaarka Wilson waxaa lagula talinayaa inay ka hubiyaan diyaaradahooda siday u socdaan xaalada duulimaadka,” ogeysiiska KCAA ayaa qayb ka mid ah lagu yidhi.

KDF waxay xustay in xafladda hal maalin ah ay ku dari doonto dhoolatusyada kuwaas oo inta badan la soo bandhigo kaliya inta lagu jiro fasaxyada Qaranka.

“Ciidanka Difaaca Kenya oo kaashanaya Aero Club ayaa Sabtidan, 28-ka May 2022 ku qaban doona Bandhig Faneedka Matxafka Hawada ee beerta Uhuru ee ku teedsan Waddada Lang’ata ee Nairobi.

“Waxaa hogaaminaya Ciidanka Cirka ee Kenya, waxaan ku faani doonaa muujinta awooda hawada sare ee militariga iyo rayidka ee loogu talagalay ka qaybgalida iyo madadaalada shacabka,” ayaa lagu yidhi bayaan ay soo saartay KDF qayb ka mid ah.

Xafladan ayaa waxaa iska kaashaday hay’ado kale, waxaana looga gol leeyahay in lagu soo bandhigo tayada ciidamada iyo awooda hawada.

“Dhammaantiin waxa lagu marti qaadayaa in aad goobjoog ka noqotaan bandhiggan cajiibka ah ee hawada sare ee ay wadeen diyaaradaha Ciidanka Cirka ee Kenya iyo dhaq-dhaqaaqyo xad-dhaaf ah oo ay wadeen diyaarado helikobter ah oo kala duwan.

“Ka qaybgalayaasha kale waxaa ka mid noqon doona: Phoenix Aviation Cessna Sovereign, Kenya Airways Embraer 190 fly-past, Farmland Aviation show dab-damis ah iyo aerobatics by Mark Hensman oo u dhashay Koonfur Afrika iyo kuwo kale,” KDF ayaa sidaas sheegtay iyadoo martiqaadka u fidisay dadweynaha.