Imaaraadka oo 9.6 Milyan dollar ku wareejiyay Somalia

MUQDISHO —(Berberanews)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dowladda Imaaraadka Carabta kala wareegtay lacag dhan 9.6 milyan oo dollar oo ay ugu deeqday gurmadka abaaraha ka jira Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda wareejinta lacagta oo uu sameeyey safiirka dowladda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho Mohamed Ahmed Al’uthman.

Rooble ayaa uga mahadceliyey Imaaraadka “kaalintooda ku aadan gurmadka shacabka Soomaaliyeed.”

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Dowladda Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan, ayaa amray in lacagtaan lagu wareejiyo Dowladda Soomaaliya, si loo xoojiyo gurmadka iyo gargaar bini’aadan-tinimo ee la gaarsiinaayo dadka Soomaaliyeed oo ay abaaruhu saameeyeen.”

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in lacagtan gaadhaysa 9.6 Milyan oo Dollar lagu shubay Bankiga dhexe ee Soomaaliya, si waafaqsan sharciga maaliyadda dalka, loona isticmaali doonno arrimaha gargaarka.

Madaxweynaha cusub ee Imaaraadka Carabta Sheikh Mohammed bin Zayed Al-Nahyan ayaa 19-kii May 2022 wuxuu lacagtan ugu deeqay Soomaaliya, isla maalinkii ay Soomaaliya fasaxday lacag muddo ka badan afar sano ay haysay oo Imaaraadka looga qabtay garoonka Aadan Cadde bishii April 2018.

Rooble ayaa bilihii dhowaa isku dayey sidii loo hagaajin lahaa soo celin lahaa xidhiidhka labada dalka oo xumaaday sanadkii 2018, waxana tallaabada soo celinta xidhiidhku suurta-gelinaysaa soo laabashada mashaariicdii horumarineed ee Imaaraadku ka fulin jirey Soomaaliya, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha.