Ethiopia oo sheegtay inay qabatay xubno Alshabaaba oo qaraxyo ka maleegayay Addis Ababa

Addis Ababa –(Berberanews)-Booliska Federaalka iyo Guddiyada Booliska Addis Ababa ayaa maanta sheegay in howlgal wadajir ah ay ku fashiliyeen weerarro argagixiso oo kooxda Al-Shabaab ay si gaar ah u badhtilmaameedsanayeen magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen madaxda laamaha dambi baarista federaalka iyo booliiska Addis Ababa oo ay maanta si wadajir ah u siiyeen warbaahinta dowladda ayaa sheegay in howlgalka wadajirka ah ee labada dhinac uu gacan ka geysatay fashilinta weerarro argagaxiso oo ay maleegayeen maleeshiyada Al-Shabaab ee ka yimid Soomaaliya, isla markaana kasoo galay caasimadda deegaanka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Waxaa intaa dheer, saraakiisha ammaanku waxay sheegeen in in ka badan 340 qof oo looga shakisan yahay inay yihiin “wakiilada TPLF” iyo “Shene” ( saraakiisha Oromo Liberation Army, OLA) la xidhay oo lagu baadhayo eedeymaha ku lug leh falal argagixiso, musuqmaasuq iyo falal kale oo sharci darro ah oo ka socda caasimadda Addis Ababa.

Si kastaba ha ahaatee, Saraakiisha ammaanka ayaan faah faahin dheeraad ah ka bixin qaabka uu u dhacay howlgalkaasi.